CEERIGAABO: Gudida Qaban qaabada Doorashada ururka SEEYO oo soo saaray waqtiga ay qabanayaan doorashada iyo munasibada sanad guurada SEEYO

Ururka wadaniga ah ee Somaliland environmental and education youth organization SEEYO ayaa waxaa manta waxaa shir jara’id oo ay ku qabteen xarunta guud ee SEEYO waxaa ay ku shaaciyeen xilliga ugu horaysa ee ay qabanayaan doorashada Gudoomiyaha iyo Golaha sare ee ururka SEEYO

Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka midi uu soo gaadhay xafiiska wararka ee hadhwanaagnews.com ee gobolka sanaag ayaa waxaa uu u dhignaa sidatan

Ka dib markii aanu lafa guray isla markaana aanu eeganay baahida aasaasiga ah ee loo qabo in la sameeyo doorashadii caadiga ahayd ee ay xubnaha SEEYO ku dooran jireen hogaanka xafiiska

Markii aanu eegnay qodobka 7aad ee dastuurka sharciga ah ee SEEYO

Waxaanu go’aansanay inaan doorashada madaxtinimada SEEYO in la qabto 25-10-10

Waxaanan guud ahaan ku wargelinaynaa dhamaan xubnaha sharafta leh ee ku sugan dalka debediisa inay sidaa ula socdaan sidoo kale waxaan la socodsiinaynaa gudidii doorashada ee bulshada iyo cidi kale ee danaynaysa inay ka soo qayb gasho ay sidaas ula socdaan

Alla Mahad leh

Madaxa Qaban  qaabada Doorashada SEEYO

Faysal Maxamuud Cartan

Add a comment September 24, 2010

xaalada abaareed ee gobolka sanaag

baaro isku bixis ah oo sanadadii ugu danbeeyey Gobolka Sanaag ka jira

Abaaro isku bixis ah oo sanadka ugu danbeeyey Gobolka Sanaag

Waxaa shantii sano ee u danbeeyey ka jiray gobolka sanaag Abaaro ba,an oo barakiciiyey
Kumanyaal xoolo dhaqato ah kuwaas oo ay noloshoodu ku xidhan tahay 99% guud ahaan dadweynaha ku nool gobolkaas.
Gobolka sanaag oo ah gobol isgu jira Bey’o (cimilo) ahaan dhul buuray ley ah oo roobka intiisa badan heli labadab xili gu’ga iyo dayrta kaas oo marka ugu dabnaysa ay noloshu isgu soo ururto marka ay abaarahn oo kale dadhaan sida Gargaaraleydii dhacday meelaha dadku riiqdii igu danbeysey isugu soo urureen waxay ahay dhulka buuraleyda ah oo ah dhul dhirta caleenta leh ay ku sii danbeyso, waxaa xaalufa markasta oo roobku yaraado
Dhulka banaanada ah ee aan gabood ka lahayn dabaysha
Hadaba biyo la aan ba’an oo sababtay in dhul badan oo xoogaa baad ah roobab si teelteel ah u da’ay laga sii raacayey ayaa iminka looga cararay
Xoolaha oo sanadkii hore ku soo doogey si dirqi ah ayay u bilaabantan sanadka kale oo cusub. Waxaa kale oo u wehelisa qabow aan sanadadan la arag kaas oo dad iyo xooloba halis ku haya sida ay xooluhu ugu kala nugul yihiina u kala saameyey

Waxaan dhowaan ku soo arkay tuulooyinka Koonfur kkaga toosan magaalada ceerigaab waxaa kulaal, dararweyne, arwrboogays,goof, boodacade xoolo wadhan dhulka ay reermiyigu guryaha ka samaystaan kuwaas oo kilomitiraad daadsan ishin iyo adhiba

Si ka dhacday dhinacyda bananka waa bancade iyo saraar qoysas subax keliya ka dareeray markay wax u caanooda waayeen
Hadaba waxaa taas la jirkeed ah gobolkan oo dhamaan khariidada dalka ka maqan
Iyada oo aan duruufihiisa laga teben dalka inta kale mana leh dad kawaadir(waxgal ah oo u dooda ) laga soo bilaabo gabayadii Xaaji Aadan Allah ha Naxariistee

Sanaag wax badan dadkeeda ugu adimay imay wax qabadaan cid kale oo u soo dhalataana ma dhicin dhalinteediina laga ay waa dawlad kasta oo timaadana intii Xaajigu lixdan kii masuuliyiintii xiligaa u sheeyey ayay ku soo celcelishan

Add a comment January 20, 2010

Suldaan Cusub oo lagu caleemo saaray Gudmo biyo cas

Caleema Saar Suldaan Ibraahim Cige Ismaaciil oo ka dhacay Magaalada Gudmo Biyocas

Magaalada Gudmo biyocas ayaa in mudo ahba waxaa ku sii qul qulaayey wufuud far-badab oo ka imanaayey Daafaha G/sanaag, isuguna jirtey madax dhaqameed yada qaybaheeda kala duwan sida Boqorada Salaadiinta, Cuqaasha ,gurtida wax garadka gobolka sanaag iyo aqoonyahan far badan, si ay uga qayb galaan munaasibada lagu Caleema saarayo Suldaan Ibaraahin Cige ismaaciil .

Hadaba maalintii Arbacadii oo ahayd 6/1/2010 ayaa munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimey lagu qabtay Beerta Dalxiiska ee Magaalada Gudmo biyocas .

Soo dhawayntii suldaanka madasha xafladu ka dhacaysey ayaa waxaa soo galbiyey dad wayne far badan oo isujira Boqoro , Suldaano , Cuqaal aqoon yahano far badan iyo dadwayne aan lakoobi karayn tiradooda , iyagoo lug iyo baabuurba ku maraayey suuqa , magaalada koonaheeda ilaa madashii xafladana dad ayaa tubnaa wadad labadeeda dhinac kuna dhawaaqaayey erayo badan oo ay ka muuqatey farxad iyo rayn rayn aad ubadani.

Madasha faflada oo lagu qurxiyey waxyaabo hido ay ulahayd gudmo biyo cas kana mid ah wax soosaarkeeda , sida
Cawsas Kebdo Laydiyo Deremooyin Saliyo Dhiilo caano ah , waxyaabahaas iyo madsha oo layaab lahayd qoraxna iyo habaasna aan lays arkayn Dhirta uu Ilaahay meeshaas ku qoofalay awgeed iyo Biyaha Dhex qulqulaaya ayaa dad badan oo aan weligood il ka qaadin Gudmo maqli jirey uun layaab ku noqotay .

Sacabka iyo damaashaadkii kadib xafladii ayaa si toos ah ubbilaabantay , Maayarkii Magaalada Mudane Saalax Axmed Madoobe ayaa warbaahinta lagu soo wareejiyey , maayarkii ayaa hadlo kooban ka jeediyey halkaas oo isugu jira soo dhowayn mahad naq iyo ducoba .

Aqoon yahan Saalax Xaaji Xasan oo ah oday sharci yaqaan iyo waxgarbka dalka ayaa ka waramay taariikhda Suldaanka isagoo sheegay in uu Suldaanku yahay nin aqoon yahay Shiikh iyo nin ganacsiga soo maray oo aqoon dheeraad ah uleh , taasina ay cadaynaynsaa sida uu umada ugu hogaaminaayo wixii wanaagsan ee dhaqanka iyo diinta ku salaysan ee horuumar iyo khayr ah.

intaas kadibna Jiif caaqi Maxamed Cismaan Liibaan ayaa warbaahinta lagu wareejiey jiifka oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Caleema saaraysa Suldanka ayaa sheegay in ay beeshu isku raacday in ay ka dhigtaan Sulaan Ibraahin Cige Ismaaciil .

Kadibna Cuqaashii beesha Muuse Abokor ee G/sanaag intii joogey madsha iyo kuwii maqnaa oo wakiilo ay ka joogeen oo dhan ayaa Saaray Suldaanka Cimaamadii iyo koofiyadii oo Iswata , waxayna sheegeen in ay sidaas saldanadii ku saareen suldaankan cusub.

Jiif Caaqil Maxamed Cabdi soofe ayaa isana lagu soo dhoweeyey warbaahinta , oo halkaas ka sheegay hadlo badan oo isugu jira hanbalyo iyo soo dhowayn ay beeshiisu lu soo dhowaynayso suldaanka cusub , ayna garab taagan yihiin haday yihiin cuqaasha kale , ee degaankan ,uuna maanta laga bilaabo ka mid yahay suldaankanu salaadiinta iyo Sama taliska Dalkan.

Madashaas waxaa ka hadlay Cuqaal aad urito badab oo aan lasoo koobi karayn, hadii aan ugalo dhinaca Borada waxaa goobtaas ku sugnaa Boqor Maxamed Nuul Aadan oo lagu soo dhoweeyey madasha iyo xidhiidhka warbaahinta , ayaa soo jeediyey khudba layaable oo taabanaysa dhinacwalba , sheegayna in ay maanta ugu horaysey ee uu aan arko degaankan taasina waxay ii tahay fursad qaali ah , waan layaab meeshan sidan ay isku yihiin biyaha iyo dhirta hadhka beeraha iyo nimcad taal , boqorku isagoo hadlkiisii sii wara ayuu yidhi suldaanka aynu maanta caleema sarayno waxaa laydiinka baahan yahay in aydin adeecdaan , oo maqashaan , si uu waajibaadkiisa uguto.

Madashaas waxaa isana ku sugnaa suldaan Cali Yuusud Saalax ayaa isana lagu soo dhoweeyey mingiri foonka , Suldaanku waxa uu soo jediyey khudbad dheer , oo uu ku soo dhowaynaayo suldanka cusub , una sheegay suldaanka in ay ka hor imanayaan caqabado badani loona baahan yahay in uu usamro .

Masha waxaa isana ku sugnaa Boqor Axmed Cali Ducaale ayaan isana lagu soo dhoweeyey, warbaahinta Boqor Axmed ayaa khudbado layaable ka sii daayey madashaa khudbadaas oo ahaa kuwo ay waayo argnimu dheehan tahay , dhinaca max dhaqameedka , waana ka mid ahaa, in dadkan hadeer kuu sacabaynaa ay kaa soo hor jeesan doonaan, marka ay kaa waayaan waxaa ay doonayaan oo beri qar kugu mucaaradaayo , loona baahan yahay dulqaad dheeraad ah Boqorku waa uu sheegay in laydiinka baahan yahay sidii aydin u xoolayn lahaydeen Suldaan.

Waakiilka Boqor Buur madow Iimaan Hirad ayaa isana lagu soo dhoweeyey mingiri foonka , halkaasna ka shegay sida una mahad naqay dhmaan cid kastoo ka qayb qaadatay , isku durba ridkana, ayana taageer sanyihiin, lana garabjoogaan Hiil iyo hooba Suldaanak Cusub ,

Iyadoo ay jireen dad madax dhaqameed aad utiro badan oo aanna hadalkoodii halkan ku soo koobi karayn ayna sheegeen in ay diyaar uyihiin in ay xoolaeeyaan Suldaanka isna garbtaagaan, bal aanu xusno magacyadoodii ,

jiif caaq xasan Cabsiiye
jjiif caaqil Xasan Faarax Godone
Jiif Caaqil Cali
Caaqil Xuseen Faarax Dheglaawe
Caaqli Axmed Saalax Madaxey
Waliil Caaqil Maxamuud Maxamed Ciise
wakiil Caaqil Saciid Cismaan
wakiil J C Saciid Hilaac
wakiil caaqil Faarax Maxamed

ugu danbayntii waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Suldaankii lacaleema saaraayey Suldan Ibraahin Cige Isfmaaciil , suldanaka oo soo jeediey khudbado layaable , oo ay ka mid ahay mahad naq balaadhan oo uu usoo jeediey cid kastoo madhidey madasha iyo dadkii soo gaashi waayey ee jeclaa in ayimaadaan, goobteer ee jaanisku usaamixi waayey, suldaanku waxa uu sheegay maanta laga bilaabo uu umada u yahay Suldaan dhaqamed , ee aan loogu soo hagaagi doonin, siyaarad iyo wixii lamid ah , uu dhex uyahaya Cid walba sid Axsaabta iyo Beelahaba.

Suldaanaka oo khudbadiisii ku soo xidhay duco aad udheer oo uu dalka iyo dadkaba in uu ilaahay barwaaqeeyo oo naxariistiisa ku waraabiyo,

Sanaag.org Cismaan Cumar Faarax


boqor Axmed iyo boqor maxed hareeraha ka fadhiya


Suldaan Ibraahim Cige ismail oo qudbadiisii


Boqor Maxed Nuux langadhe oo khudbadanaya

Cumar Siciid Nuur

samatar news

Erigavo

Add a comment January 20, 2010

Xuska Maalinta Qaranimada Gooni isu taaga Somaliland iyo sidii looga xusay magaalada Ceerigaabo

Xuska Maalinta Qaranimada Gooni isu taaga SomalilandXuska Maalinta Qaranimada Gooni isu taaga Somaliland iyo sidii looga xusay magaalada Ceerigaabo Qaar ka mid ah kasoo qayb galayaashii Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiinta dawlada ayaa waxay ahayd munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay Waxaana ka qayb galay dad kumaan kor u dhaafaya kuwaasoo lulay isla markaana ay ka muuqatay dareen muwaadinimo iyo iyagoo xidhnaa calanka dalkan Somaliland Munaasibadan ayaa ahayd tii ugu dadka badnayd iyadoo aanay dadweynaha reer ceerigaabo u kala hadhin ayaa waxaa lagu qabtay fagaaraha beerta nuura Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Abwaano soo jeediyay heeso iyo gabayo kala duwan oo ay ugu tala galeen xuska 18 guurada Somaliland gabayadaasoo ahaa kuwo aad u xiiso badan isla markaana soo jiitay dadweynihii halkaas ku sugnaa Waxaa kale oo iyana ka hadlay masuuliyiin, cuqaal, xildhibaano, Ururada dhalinyarada iyo haweenka Duqa magaalada Ceerigaabo Ismaaciil xaaji nuur Waxaa kale oo isna halkaa khudbad balaadhan shacbigii uga soo jeediyay Duqa magaalada Ceerigaabo Mud. Ismaaciil xaaji nuur oo ka waramay qiimaha ay leedahay munaasibadani waxaa kale oo uu mayarku ka hadlay horuumarka iyo adeega bulshada isagoo dadwaynahana u soo jeediyay inay gacmaha is qabsadaan oo ay la shaqeeyaan dawlada Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi hurre Gebegebadii waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali cabdi hurre Gudoomiyaha oo mahadnaq iyo tahniyad uu u dirayo Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaanba Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tahriibta oo uu sheegay in ay dhalinyaradu ka waantoobaan tahriibta isla markaana ay dalkooda joogaan Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Dadku debeda waxay u doonan jireen jaamacado laakiin maanta dalkeena ayaa jaamacado gobol walba ka furan yihiin Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay inay xaaran tahay in uu qofku is haligoo oo uu naftiisa saxaaraha iyo bada ku haligo Waxaa kale oo uu ka hadlay arimaha budhcad badeeda taasoo uu dadkii ka soo qayb galay madasha u jeediyay inay ka feejignaadaan. Isu soo baxan ayaa ahaa mid dareen gaara watay oo la sugayay waqtiyo dhowr ah isla markaana ay dadku aad u danaynayeen ka qayb galka xuskan maalinta lasoo noqoshada xuriyada Somaliland Waxaa sidoo kale si wayn loo adkeeyay amaanka magaalada iyo guud ahaanba gobolka Iyadoo aad wadooyinka iyo goobta shirku ka dhacayeyba ay joogeen ciidamada amaanka ee booliska Farxaan maxamuud xidig Wadani newsletter Editor Tell: 002522-4200447 Ceerigaabo Somaliland Daawo qaar ka mida sawiradii dabaal dega maalintan

Add a comment May 19, 2009

learining of Computer Science-ka: (barashada Computer saynis

 

 

 

 hordhac                                                                                     

*      Aqoonta kumbiyuutarku waxay noqotay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha. Waxaa la oran karaa kumbiyuutarka waxaa maanta loo adeegsadaa wax kasta oo ka mid ah nolosha casriga ah. Sidaa darteed waxa nala qummanaatay inaan ummadda soomaaliyeed ku dhiirrigalinno barashada kumbiyuutarka. Taasi waxay dhalisay inaan halkaan ka billawno casharro loo diyaariyay si fudud oo uu qof kastaa fahmi karo oo talaabo talaabo u sharxaya kumbiyuutarka iyo dhismihiisa. Casharradaas waxaan ku dadaali doonnaa in hadduu rabbi idmo isla qaadaa dhigno sida ugu haboon een uga wada faaiidaysan karno wakhtigana u wada ilaalino.

Kumbiyuutarka iyo taariikhdiisa

Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada soo socda:

  • Waa maxay kumbiyuutar?
  • Taariikh kooban.
  • Noocyada Kumbiyuutarka.

Waa maxay kumbiyuutar?

Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.
Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran.

Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha naga soo gaaro warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada, taleefoonka iwm.

Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas. Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawlahaas.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan.

Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.

Noocyada kumbiyuutarka

Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala ah:

  • Super Computers
  • Big Computers
  • Mini Computers
  • Personal Computers

Personal Computers (PC)

Waxaan casharkeenii koobaad ku soo qeexnay waxa uu yahay kumbiyuutarku, inta nooc ee guud ahaan loo qaybiyo iyo nooc walba meelaha ama waxa inta badan loo isticmaalo. Casharkaan oo ah kii labaad waxaan si faahfaahsan ugaga hadli doonaa Personal Computers (PC) oo ah mid ka mid ah noocyaddii aan u soo kala qaybinay kumbiyuutarka.

Personal Computers oo loo soo gaabiyo PC waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah:

  1. PC
  2. Macintosh

Haddaba inta aanan sii dhexgalin dhismaha iyo qeybaha uu ka kooban yahay personal Computer-ku waxaan dib ugu yara noqonaynaa taariikhda noocaan kumbiyuutarrada ah iyo siday ku billowdeen:

 

 

 

Dhismaha Personal Computer (PC)               

Sida aan ku soo sheegnay Casharka 2-aad, Personal Computers waxaa loo kala qeybiyaa laba qeybood oo kala ah PC iyo Macintosh. Kumbiyuutarrada noocaan ah ee maanta la isticmaalo 95% (boqolkiiba sagaashan iyo shan) waa PC. 5% (boqolkiiba shan) waa Macintosh. In kasta oo ay PC iyo Macintosh iskaga mid yihiin wax badan oo aan uga hadlayno casharkaan iyo casharradeena dambeeyaba haddana waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin. Sidaa darteed ayaan casharradeenna inta ka hartay waxaaan uga hadli doonnaa oo ay si gaar ah ugu saabsanasan doonaan nooca PC, maadaama uu yahay nooca ugu badan ee maanta la isticmaalo.

Dhismaha guud ee PC

PC waxay ka kooban tahay qeybo kala madax bannaan oo la iksu xiriiriyay. Qeybahaas waxaa guud ahaan loo sii kala qeybiyaa 4 (afar) qeybood oo waa weyn oo kala ah:

  1. Computer Case oo ah qeybta u taagan kumbiyuutarka.
  2. In Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo.
  3. Out Devices oo loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka  ku jirta lagula soo baxo.
  4. In and Out Devices oo loo adeegsado in kumbiyuutarka wax lagu galiyo iyo in wax lagula soo baxo labadaba.

 

Afartaas qeybood ayaan mid mid u soo qaadanaynaa innagoo mid walba sheegayna waxna ka taabnayna qeybaha soo hoos gala iyo mid walba waxa loo adeegsado.  Casharradeenna xiga ayaan qeybahaas si faafaahfaasan uga hadli doonnaa hadduu rabi idmo. Casharkaan waxaan ugu tala galnay inuu sawir guud ka bixiyo dhismaha PC.

1.   Computer Case    

Computer Case waa santuukha birta iyo balaastiga isku jira ka samaysan ee ay fiilooyinku xagga dambe kaga jiraan. Dadka badankiisu qeybtaan muhiim uma arkaan laakiin waa qeybta saldhigga u ah kumbiyuutarka iyo qeybaha uu ka kooban yahay. Run ahaantii kumbuutarku waa qeybtaan.

Computer Case waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah Tower iyo Desktop.
Tower oo ah nooca kaaga muuqda sawirka waa nooca ugu badan ee la isticmaalo. Tower waxaa loogu tala galay in la dhigo dhulka miiska hoostiisa ah, wuuna ka waasacsan yahay oo ka qaad badan yahay Desktop.
Desktop waa nooc jiifa waxaana loogu talagalay in la saaro miiska dushiisa. Screen-ka ayaana inta badan dusha laga sii saaraa.

Cumputer Case waxaa ku jira qeybaha kumbiyuutarka ugu muhiimsan uguna xasaasisan, waxayna qeybahaas u tahay gaashaan ka ilaaliya inay wax gaaraan. Waxaa kale oo ay kumbiyuutarka ka ilaalisaa kulaylka oo waxaa ku rakiban marwaxad qaboojisa oo hoos u dhigta heerkulka kumbiyuutarka si uusan u guban.

Qeybaha muhiimka ah ee ku dhexjira Combuter Case waxaa ka mid ah:
Motherboard ama Mainboard oo ah sagxadda ay ku fadhiyaan waxa loo yaqaanno Cards oo aan uga hadli doonno casharrada dambe. Motherboard wuxuu xiriiriyaa oo uu korontada iyo akhbaarta u kala gudbiyaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka waana qeybta ugu muhiimsan kumbiyuutarka.
Processor oo ah qeybta hagta ee maskaxda u ah kumbiyuutarka, xawaaraha kumbiyuutarkuna iyada ayuu ku xiran yahay.
Hard Drive waa halka lagu kaydiyo wixii akhbaar ah ee kumbiyuutarka la galiyo.
Memory waxaa si ku meelgaar ah loogu kaydiyaa wixii akhbaar ah ee diyaarinteeda gacanta lagu hayo inta aan la dooran in si rasmi ah loo kaydiyo. Wixii halkaas lagu kaydiyo waxaad heli kartaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay. Haddiise kumbiyuutka la damiyo wey lumayaan. Memory waxaa kale oo isticmaala hadba program-yada markaas shidan.
Floppy Disk Drive waa halka kumyuutarka laga galiyo cajaladda yar ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo.
CD-ROM waa halka kumbiyuutarka laga galiyo nooca cajaladda ah ee loo yaqaan CD.
Cards waxaa la isku yiraahdaa kaarar loo isticmaalo hawlo kala duwan.
Kaararkaas waxaa ka mid ah Sound Card, Graphic Card, Network Card, Video Card iwm.

Mid kasta oo ka mid ah qeybhaas cashar u gaar ah ayaan ku soo qaadan doonnaa markaa ayaanan si faahfaahsan uga hadli doonnaa.
Waxaa aad muhiim u ah in Computer Case-ku ay waasac tahay waayo waxay taasi fududaynaysaa qulqulka hawada ka soo baxaysa marwaxadda.
Waxaa kale oo ay taasi kuu suurto galinaysaa inaad kumbiyuutarkaaga sii dhisto oo aad ku sii kordhiso qeybo kale.
 

 

2.   In devices       

In devices waxaa sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha loo adeegsado in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:

 

Keyboard

o         Waxaa loo adeegsadaa in kumbiyuutarka akhbaar lagu galiyo. Xarfaha Keyboard-ka ka muuqda iyo sida ay u safan yihiin labadaba waxay ku xiran yihiin hadba waddanka loogu tala galay in laga isticmaalo. Laakiin waxaa caadi ah inuu yeesho 101 ama 102 batoon iyo wixii ka badan. Nooca ka muuqda sawirka waa nooca caadiga ah laakiin waxaa jira noocyo qalqalloocan oo ay qolyaha samayay yiraahdaan waxaan u qaabaynay si gacmaha u roon.

 

 

 

o        Mouse

Mouse wuxuu noqday aalad aan laga maarmin marka ay soo baxeen operative systems ku salaysan graphic sida Windows. Waxa kale oo isticmaalkiisa sii badiyay internet oo inta badan lagu saleeyo in mouse-ka lagu taabto qoraal iyo sawirro kala duwan. Inta badan wuxuu leeyahay 2 ilaa 3 batoon. Waxaa jira qaar ay intaas u sii dheer tahay garaangar yar oo batoommada dhexdooda ku taalla oo loogu talgalay in bogga kor iyo hoos loogu socodsiiyo. Waxa kale oo uu sida caadiga ah dhanka hoose ku leeyahay kuul yar oo ku dul wareegata hadba meesha la dul saaro. Kuushaasi waxay suurto galisaa in fallaarta mouse-ka loo dhaqaajiyo hadba dhinacii la doono.

 

o        Scanner

Waxaa loo isticmaalaa in sawir ama qoraal buug ama warqad ku yaalla lagu akhriyo si kumbiyuutarka loo galiyo. Scanner waxaa ugu badan nooca loo yaqaan flat Scanner oo ah nooc u eg mishiinka loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha waana kan sawirka ka muuqda. Sida daabacaha ayuu scanner-ku wuxuu ku kala duwan yahay xagga xawaaraha iyo tayada waxa uu koobiyeeyo. Waxaa jira noocyo yaryar oo gacanta lagu qabto oo la dul mariyo waxa la koobiyeynayo. Noocaan waxaa inta badan lagu arkaa dukaammada waaweyn oo waxaa lagu akhriyaa kood ku dhaggan shayga aad gadatay oo sheegaya nooca iyo qiimaha shaygaas.

o        Makarafoon (Microphone)

Makrafoon inta badan gaar ayaa loo soo gataa oo lama socdo kumbiyuutarka waayo waxaa loo baahdaa marka aad adigu rabto inaad kumbiyuutarka cod ku duubto. Arrintaasna dadka intiisa badan waxaa laga yaabaa inaysan u baahan.
 

o        Joysticks

Waxaa loo isticmaalaa ciyaaraha kumbiyuutarka lagu ciyaaro sida kuwa dagaallada ee xabbadaha la rido, diyaarada, baabuurta iwm. Joystik wuxuu leeyahay gacan taagan oo dhinaca hore ku leh batoommo loo adeegsado hawlo kala duwan sida in xabbad la rido, in meel laga boodo, in la dhabacdo iwm. Gacan-ka laftiisa waxaa loo adeegsadaa in diyaarad, baabuur ama qof lagu hago sida in marba dhinac loo leexiyo, in horay ama gadaal loo socdo iyo in la joojiyo.

o        Gamepad

Gamepads waxaa inta badan loo isticmaalaa ciyaaraha baabuurta. Waxay inta badan u kala baxaan laba nooc.
Nooc yar oo fidsan oo leh batoommo fara badan oo loogu tala galay hawlo kala duwan.
Nooc ka kooban isteerin u eg kan baabuurta oo leh batoommo fara badan iyo qeyb dhulka la dhigo oo shabahda fariinka iyo sheelaraha baabuurta. Taasi waxay keentaa in qofka ciyaarayaa uu dareemo sidii inuu baabuur rasmi ah wado oo kale.
 

3.   Out devices

Out devices waxaa iyagana sidaan soo sheegnay la isku yiraahdaa aaladaha loo adeegsado in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta lagula soo baxo. Aaladahaas waxaa ka mid ah:

 

 

 

 

o        Monitor (Screen)

Monitor ama Screen waa muraayadda aad ka aragto waxa kumbiyuutarka ku jira. Monitor-ku waa qeyb muhiim ah waayo waa halka lagala xiriiro kumbiyuutarka. Monitor wuxuu leeyahay noocyo iyo cabirro kala duwan wuxuuna la shaqeeyaa oo isaga iyo kumbiyuutarka u kala turjuma kaar loo yaqaan Graphic Card oo ka mid ah kaararka ku jira sanduuqa kumbiyuutarka. Haddii monitor-kaaga ama Graphic Card-kaagu uu duq yahay waxay keenysaa in uu sawirka monitor-ka ka muuqdaa uu yara gargariiro oo uu indhahaaga wax u dhimo. Sidaa darteed waa muhiim in kumbiyuutarku uu leeyahay Monitor iyo Graphic Card casri ah oo ay tayadoodu fiican tahay.

Monitor-ka waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan ‘tum’ oo ay astaan u tahay (“) una dhigma 2,5 cm. Waxaa tusaale ahaan la cabbiraa fogaanta u dhaxaysa muraayadda geeskeeda bidixe ee hoose iyo geeskeeda midige ee sare. Cabbirrada monitor-ka waxaa ka mid ah 14″, 15″, 17″, 19, 20″, iyo 21″. Kumbiyuutarrada cusub ee maanta suuqa yaallaa waxay u badan yihiin cabbirka 15″ 17″, iyo 19″. Mar kasta oo uu cabbirka Monitor-ku sii weynaadaba waxaa sii kordha qiimihiisa.

 

 

o         Daabace (Printer)

Daabace waxaa loo isticmaalaa in akhbaar kumbiyuutarka ku jirta warqad lagu daabaco. Daabuhu inta badan lama socdo kumbiyuutarka laakiin gaar ayaa loo soo gataa. Daabucuhu wuu noocyo badan yahay oo wuxuu ku kala duwan yahay samayska farsamo ahaan, xawaaraha uu wax ku daabaco, tayada waxa uu daabaco iyo isticmaalkiisa oo kala fudud. Xagga farsamada waxaa loo kala qeybiyaa saddex qeybood oo waa weyn.

Matrix Printer ama Dot Printer waa nooc duq ah oo aan inta badan maanta suuqa laga helin. Wuxuu adeegsadaa farsamo laga tagey oo adeegsnaysa irbado xarfaha dhibic dhic u qora. Noocaani aad ayuu u gaabiyaa waxa uu qorana aad ayay tayadoodu u hoosaysaa markuu wax qoraayana aad ayuu u qeyliyaa.

Inkjet Printer waa nooca dadka caadiga ahi ay u badan yihiin wuxuuna adeegsadaa khad shubmaysa oo warqadda lagu cadaadiyo. Daabacahaani noocyo badan ayuu u sii kala baxaa wuxuuna ku sii kala duwan yahay xawaaraha, tayada iyo midabka waxa uu qoro iyo isticmaalka. Xagga tayada wuu ka fiican yahay nooca hore laakiin haddii tusaale ahaan qoyaan uu gaaro warqadda uu wax ku qoray waxaa dhacaysa in ay khaddu dhaqanto oo ay xarfuhu isku dardarsamaan. Sidaa darteed noocaan looma isticmaalo wixii qoraal ah ee la rabo in muddo badan la keydiyo.

Laser Printer waa nooca ugu dheereeya uguna tayo fiican waxaana inta badan laga isticmaalaa xafiisyada dawliga ah, ururrada iyo shirkadaha waaweyn. Noocani wuxuu xagga farsamada, qaabka iyo cabbirkaba shabahaa mishiinnada loo isticmaalo koobiyeynta waraaqaha.

 

 

 

 

o        Samaacado (Speakers)

Kumbiyuutarrada maanta suuqa yaalla intooda badan waxaa la socda oo lagu soo gataa kaarka codka (sound Card) iyo samaacado. Samaacaduhu wey kala nooc iyo cabbir duwan yihiin. Laakiin inta badan waxtarkoodu qofka caadiga ah uma kala duwana. Samaacadaha waxaa loo adeegsadaa in lagu dhagaysto codka ka soo baxa program-yada kala duwan ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo. Program-yada codka leh waxaa ugu badan kuwa ciyaaraha ah laakiin waxaa jira kuwo waxbarasho ah oo dhageysi ku salaysan. Xataa waxaa kale oo jira CD-yo uu ku duuban yahay quraanka oo dhan oo cod ahaan loo dhagaysto. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in haddii aad kumbiyuutar gadanayso aad iska fiiriso inuu wato kaarka codka iyo samaacado.
 

4.   In and Out devices

In and out Devices waa aaladaha loo adeegsado in akhbaar lagu galiyo loogalana soo baxo kumbiyuutarka. Aaladaha noocaas ah waxaa ka mid ah:

  • Modem

Waa aaladda suurto galisa in ay laba kumbiyuutar ama in ka badni xiriiraan iyagoo adeegsanaya laynka telefon-ka. Modem hawshiisa waxaa lagu soo koobi karaa in uu hadal qoraal ah u rogo cod si loogu diro laynka telefon-ka. Iyo inuu codka telefon-ka u rogo qoraal uu kubiyuutarku fahmi karo. Modem waa aaladda hadda kuu suurto galisay inaad timaaddo halkaan oo aad casharkaad akhriso.
 

 

 

 

Motherboard

Si aad ula socoto una fahamto casharkaan iyo casharrada ka dambeeya, waxaan kugula talinaynaa in haddaad kumbiyuutar leedahay aad casharka warqad ku daabacdo ka dibna aad santuukha kumbiyuurtakaaga furto oo aad fiiriso waxa gudihiisa ku jira adigoo isku dayaya inaad hesho hadba qeybta uu markaas casharku ku saabsan yahay. Waxaan inta badan adeegsan doonnaa sawirro si toos ah looga soo qaaday qeybaha ay casharradu ka hadlayaan sidaa darteed way kuu fududaan doontaa inaad hesho qeybta aad raadinayso. Inta aadan kumbiyuutarka kala furin iska hubi inuu dansan yahay oo marna  ha furin kumbiyuutarka isagoo shidan.

 

 

Muxuu yahay Motherboard?

Motherboard  waa qeybta ugu muhiimsan qeybaha uu kumbiyuutarku ka kooban yahay. Magacyada kale ee qeybtaan loo yaqaan waxaa ka mid ah Mainboard iyo Systemboard. Dhammaan magacyadaasi waxay kuu muujinayaan muhimadda ay qeybtaani leedahay.  Waayo waa qeybta aasaaska u ah ayna ku dul rakiban yihiin qeybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka islamarkaasna xiriirisa oo korontada iyo akhbaarta u kala gudbisaa dhammaan qeybaha kale ee kumbiyuutarka.


Motherboard uu noociisu yahay ATX oo dusha laga sawiray isagoo keligii ah oo aysan waxba ku dul rakibnayn

Motherboard-yada caasriga ah ee maanta la isticmaalaa waxay u muuqdaan sida sawirka kaaga muuqata. Waxaa laga yaabaa in fiilooyin fara badan iyo qeybo kale ay ka soo sokeeyaan oo uu kuu wada muuqan waayo.
Haddii nooca santuukha kumbiyuutarkaagu uu yahay Tower wuxuu Motherboard-ku ku rakiban yahay dhinaca midige ama bidixe ee santuukha. Haddiise uu nooca santuukhaagu yahay Desktop wuxuu Motherboard-ku fadhiyaa sagxadda santuukha. Si aad u hesho sharaxaad ku saabsan Tower iyo Desktop fiiri
Casharka 3-aad.

 

Qeybaha Motherboard-ka


Motherboard uu noociisu yahay ATX.

Motherboard-ku wuxuu ka kooban yahay dhowr qeybood oo mid walbaa hawl gooni ah qabato. Qaybaha ugu muhiimsan ee ay Motherboard-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa ka kooban yihiin waxaa ka mid ah:

  1. Processor Socket ama Slot (sawirka nr 4)
  2. Chipset (sawirka nr 1)
  3. BIOS (sawirka nr 10)
  4. Battery (sawirka nr 9)
  5. Memory SIMM/DIM sockets (sawirka nr 8)
  6. Bus Slots (sawirka nr 2 iyo 3)
  7. Processor Voltage Regulator
  8. Storage Device Interfaces (Swirka nr 11)
  9. Serial Ports (Sawirka nr 6)
  10. Parallel Ports (Sawirka nr 5)
  11. Mouse and Keyboard connectors (Sawirka nr 7)

 

 

 

Waa Maxay Processor?

Processor-ku waa maskaxda ama matoorka kala socodsiiya hawlaha kumbiyuutarka. Magacyada kale ee processorka loo yaqaano waxaa ka mid ah Microprocessor iyo CPU (Central Processing Unit). Processor-ku wuxuu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka waana halka laga cabbiro xawaaraha kumbiyuuutarka, wuxuuna inta badan tilmaan u noqdaa kumbiyuutarka oo dhan. Waxaa laga yaabaa inaad maqasho qof leh “Kumbiyuutarkaygu waa Pentuim II 450″ iwm. Taas micneheedu waa in nooca processor-ka kumbiyuutarkaasi uu yahay Pentium II, xawaarihiisuna uu yahay 450 Mhz. Noocayada processor-ka dib ayaan uga hadli doonnaa hadduu rabbi idmo.


Processor uu noociisu yahay Pentium MMX oo marna hoos laga sawiray (sawirka bidixe) marna dusha laga sawiray (sawirka midige).

 

 

 

Xawaaraha processor-ka waxaa lagu cabbiraa inta wareeg ee uu sameeyo halkii ilbiriqsi (seken) waxaana lagu sheegaa waxa loo yaqaan megahertz (Mhz) oo u taagan ilbiriqsigiiba hal milyan oo wareeg. Haddii lagu yiraahdo processor ayuu xawaarihiisu yahay 450 Mhz, waxaa looga jeegdaa in processor-kaasi uu halkii ilbiriqsi sameeyo 450 milyan oo wareeg. Hal wareeg waa cabbirka ugu yar ee wakhtiga processor-ka. Hawl kasta oo uu processor-ku qabtaa waxay ku qaadan kartaa ugu yaraan hal wareeg, laakiin caadi ahaan waxay hawl kastaa qaadataa wareegyo fara badan.

Si uu processor-ku u fuliyo hawl gaar ah wuxuu raacaa oo uu mid mid u fuliyaa waxa loo yaqaan Instructions oo ah tilmaamo ku saabsan tillaabooyinka ay hawshaasi ka kooban tahay. Inta wareeg ee ay processor-ka ku qaadato inuu fuliyo hal instruction ayaa lagu cabbiraa xawaaraha dhabta ah ee processor-ka. Taasina waxay ku xiran tahay nooca processor-ka. Tusaale ahaan processor-radii ugu horreeyay (8086 iyo 8088) wuxuu halkii instruction ku qaadan jiray celcelis ahaan 12 (laba iyo toban) wareeg. Halka maanta processor-rada carsiga ah (Pentium II iyo wixii ka dambeeyay) ay hal wareeg ku fulin karaan saddex instructions iyo wax ka badan. Taasi waxay keenaysaa in laba processor oo uu xawaarahoodu yahay 200 Mhz laakiin uu noocoodu kala duwan yahay ay aad u kala dheereeyaan iyadoo ay ku xiran tahay inta instruction ee uu processor walbaa fulin karo halkii wareeg. Processor walbaa processor-kii uu ka dambeeyay wuu ka dheereeyaa maadaama ay had iyo jeer sii yaraanaysay tirada wareegyada ay processor-ka ku qaadanayso fulinta halkii instruction.

Waxaa jira dhawr arrimood oo saamayn ku leh xawaaraha processor-ka. Arrimahaas kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

 

Noocyada Processor-ka

Waxaa jira dhowr shirkadood oo ku tartama samaynta Processor-rada. Shirkadahaas waxaa ugu caansan suuqa Processor-radana si aad ah u haysta shirkadda Intel. Shirkadaha kale ee Intel soo raaca waxaa ugu caansan laba shirkadood oo la kala yiraahdo AMD (Advanced Micro Devices) iyo Cyrix. Suuqa Processor-rada waxaa haga Intel, AMD iyo Cyrix-na waxay inta badan soo saaraan Processor-ro u dhigma oo ay kula tartamayaan hadba kan ay Intel soo saarto.

Guud ahaan Processor-rada waxaa loo kala qaadaa dhawr jiil (Generations) oo is daba jooga iyadoo la fiirinayo sidii ay u kala dambeeyeen. Jiilalkaas ayaan mid mid u soo qaadanaynaa annagoo sheegi doonna waxa uu jiil kastaa uga duwan yahay jiilkii ka horreeyay iyo noocyada Processor-rada jiilkaas ka tirsan iyo nooc kasta ciddii samaysay.

Memory-da

Memory-du waxay u kala baxdaa laba nooc oo kala ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random Access Memory). Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli doonnaa nooca dambe ee RAM. Mar kasta oo aan casharkaan ku soo qaadno Memory waxaan ula jeednaa nooca RAM oo kaliya.

Waa Maxay RAM?

RAM (Random Access Memory) waa halka si ku meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku markaas gacanta ku hayo iyo program-yada markaa shidan (running programs). Tusaale ahaan haddaad rabto inaad wax qorato waxaad horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato sida Word. Markaad program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu kaydiyaa koobi ah program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa si aad wax ugu qorato. Muddada aad wax qorayso waxaa akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa Memory-da, waxaana halkaa lagu haynayaa ilaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay ama aad program-ka Word ka xirayso. Haddiise kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin akhbaartaasi way lumaysaa.

Tusaalaha ugu caansan ee la soo qaato marka la sharxayo sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo kumbiyuutarka lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo armaajo lagu kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u taagan tahay Hard Disk-ga oo ah halka sida joogtada ah loogu kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Miiskuna wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka shaqaynaya (oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo baxaa hadba dukumentiga uu rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah in qofka xafiis ka shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska dushiisa. Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba waxaa badanaya tirada dukumentiyada dushiisa la saari karo. Sidaa si la mid ah ayuu kumbiyuutarku program-yada iyo hawlaha uu markaas gacanta ku hayo ugu kaydsadaa Memory-da. Mar kasta oo ay baaxadda Memory-du sii weynaataba waxaa badanaya akhbaarta lagu keydin karo iyo tirada program-yada isku mar kuu furnaan karo. Memory-da la’aanteed kumbiyuutarku wax hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed Memory-du waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.

Baaxadda Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan “Byte” oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB). Memory-du waxay ku dul rakiban tahay kaarar yar yar oo uu dhererkoodu qiyaas ahaan le’eg yahay 10 ilaa 15 cm (Fiiri sawirka). Kaararkaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIM (Single Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module). Kaararkaas waxaa la gadaa iyagoo baaxadda Memory-da ku dul rakibani ay tahay 1 MB, 2 MB, 4 MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama 128 MB.

 

Hard Disk Drive (HDD)


Hard Disk dusha laga sawiray isagoo marna qolofkii kore wata (bidix) marna laga furay (Midig) oo ay calooshiisii muuqato

Sida aan ku soo aragnay Casharka 2-aad Hard Disk-gu waa halka sida joogtada ah loogu kaydiyo dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jirta. Hard Disk-gu waa qaybta ugu muhiimsan qaybaha uu kumbiyuutarku u isticmaalo kaydinta akhbaarta. Wixii akhbaar ama program-yo ah ee Hard Disk-ga lagu kaydiyaa waxay halkaa ku jirayaan ilaa inta aad adigu ka tirtirto. Taasi waa haddii uu Hard Disk-gu bed qabo oo aysan ku iman cillad farsamo oo keenta inuu kharribmo halkaana ay ku lumaan dhammaan wixii ku jiray. Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay qaybaha muhiimka ah ee ku dhex jira santuukha kumbiyuutarka. Halkii kumbiyuutar wuxuu yeelan karaa hal ama in ka badan oo Hard Disk-yo ah, iyadoo taasi ay mar kasta ku xiran tahay baahida qofka kumbiyuutarka iska leh.

 

Floppy Disk Drive (FDD)

___________
Floppy Disk Drive uu cabbirkiisu yahay 3.5″ oo la sawiray isagoo marna kumbiyuutarka ku rakiban (bidix) marna keligii gaar loo soo furay(midig)

Sida aan ku soo aragnay casharka 3-aad, Floppy Disk Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo loona yaqaan “Floppy Disk” ama Diskette, waxaana astaan u ah xarafka A:. Floppy Disk Drive-ka oo loo soo gaabiyo FDD wuxuu ku dhex dhisan yahay santuukha kumbiyuutarka wuxuuna ka mid yahay qaybaha asaasiga ah ee kumbiyuutarka ilaa waagii la soo saaray la socday, marka laga reebo in yar oo ka mid ah kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Computers) oo la iibiyo iyaga oo aan FDD lahayn.

 

CD-ROM Drives (Compact Disk-Read Only Memory)

_
Sawir muujinaya CD-ROM Drive (bidix) iyo saxanka CD-ga (midig)

CD-ROM Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo saxanka wareegsan ee loo yaqaan CD-ga ee kumbiyuutarrada lagu isticmaalo. Ereyga CD-ROM wuxuu u taagan yahay “Compact disk – Read Only Memory” taasoo muujinaysa samayska iyo isticmaalka saxanka CD-ga. “Compact Disk” waxay muujinaysaa in saxanka CD-gu uu samays ahaan yahay mid adag oo isku cufan oo aan si fudud loo qalloocin karin iyadoo aan dhibaato loo gaysan. “Read Only Memory” waxay muujinaysaa in saxanka loogu talagalay in wixii akhbaar ah ee ku jira laga soo akhristo oo kaliya ee aan wax lagu qori karin. CD-ROM-ku muddo dheer ayuu sidaa u shqayn jiray oo isticmaalkiisu uu ku koobnaa oo in wax laga soo akhristo oo kaliya, laakiin arrintaasi waxay wax weyn iska beddeleen markii ay soo baxeen noocyada CD-R iyo CD-RW oo ah saxammo loogu talagalay in wax lagu qoro waxna laga soo akhriyo. Noocyadaas waan ka hadli doonnaa hadduu rabi idmo.
Marka la eego Windows, CD-ROM Drive-ku ma laha xaraf go’an oo si joogto ah astaan ugu ah, laakiin waxaa astaan u noqda hadba xarafka ugu horreeya ee bannaan. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-ROM uu astaan u yahay xarafka D: iyo mid kale oo uu astaan u yahay xarafka E: ama F: iwm.

 

 

 

 

 

 

learining of  Computer Science-ka: (barashada Computer saynis)

farhan mohamoud hidig,

Waxaan jeclahay qoraalkan gaaban inaan ku soo koobo inta suura galka ah waxay tahay maadadii aan qarniyadii   la soo dhaafay dhiganayay oo ah Computer Science, wixii caqabado aan la kulmay, waxyaabaha aan u arko in ciddii xiisaysaa  ay u baahan tahay inay ogaato si ay si guul leh ugu dhamaysato barnaamijka Bachelor of Science in Computer Science.

Computer Science, inta la ogyahay ama ay ku kooban tahay aqoontayda aan u leeyahayi, waa qayb cilmiyada la barto ka mid ah oo qaybo badan leh, loona aqoonsaday laan cilmiyeed oo si rasmi ah loo barto 1960 meeyadii. Waxa uu galay hadda computer ka barashadiisu meelo badan, oo maaha waqtigan la joogo wax computer la xiriira barashadoodu wax u khaas ah dadka computer science ka barta oo kaliya. Tusaale ahaan ardayda Business ka baranaysa maadooyin dhawr ah oo computer la xiriira oo ay bartaan.

Dhanka kalena computer science ku ma aha kaliya barashada computer ka iyo waxa la xiriira, waxana la aaminsanyahay inuu xiriir aad u weyn la leeyahay Xisaabta (Mathematics) iyo barashadeeda, illaa heer jaamacado badan ay is raaciyaan labada qaybood oo ay u xilsaaraan hal faculty ama department labadaa maaddo dhigistooda iyo wixii la xiriira.

Intaa hadaan ka soo qaadno inay tahay hordhac, hadaba computer science muxuu sidiisu khuseeyaa oo uu yahay? Computer science waa barashada qawaaniinta ama sharciyada wax xisaabinta iyadoo la isticmaalayo qalabkaa elektroonik-ga ah (computer ka), waxayna nagu caawisaa si aan u fahanno sida computers-ku ay u xaliyaan masaa’isha xalka u baahan, noocyada uu xalin karo, iyo mas’aladii sidii computer ka loogu dhiibi lahaa si uu u xaliyo. Waxa sal u ah fikrado theoretical ah iyo asaas xisaabeed. Waxa lagu sheegaa in computer science ku uu keenay fikradaha iyo principles ka uu ku dhisan yahay ama abuuray cilmiga Information Technology-gu. Badanaana waa laysku khaldaa oo faraqa u dhexeeya labada field waxa ka jira doodo badan.1

Manaahijta ama sylubus ka jaamacaduhu badanaa laba waji ayay ku bixiyaan barnaamijka computer science ka:

  • Qaar xoogga saara maadada qaybteeda theoretical ka ah, oo badanaa dhiga courses la xiriira algorithms ka iyo theory-ga computation ka
  • Qaar xoogga saara barnaamij qoridda (computer programming) iyo courses ka la xiriira, taasoo u diyaarinaysa ardayga dhanka camaliga iyo suuqa barnaamijyada inuu galo.

Waxayse dhammaan ka wada siman yihiin manaahijta rasmiga ah ee computer science ku inay ardayga ka dhisayaan laamaha kala duwan ee cilmigu uu leeyahay iyo mathematical reasoning ka, taasoo u suurogalinaysa qofka inuu noqdo qof xal abuura ama solutions provider waxay u yaqaanaan isagoo u isticmaalaya qalabka computer ka si xalkaas uu u hirgeliyo.

Badanaa waxa ay dadku ku khaldaan qofka computer science ka barta inuu yahay programmer ama qof yaqaan sida barnaamijyada computer ka loo qoro. Inkastoo ay gartood tahay dadkaa maadaama manhajkii uu u muuqdo sidii inuu xoogga saarayo dhanka programming ka, hadana waxa jira faraq weyn. Qofka programmer ka ahi caadiyan waa qof yaqaan sida loo isticmaalo barnaamijyada computer ka lagu program-gareeyo; oo kama badna xal laga soo fekeray iyo dariiqooyin xaleed ay dad kale ka soo fekereen (algorithms) inuu u badalo mid shaqaynaya una jira barnaamij ahaan. Dhanka <!–[if !supportFootnotes]–>[1]<!–[endif]–>kale qofka computer science ka bartay, waa inuu noqdaa programmer ama qof luqadaa isagu yaqaan isticmaalkooda iyo wax ku program-garayntooda.


Qofka barta computer science ku hadaan Somali nahay waxa laga yaabaa inay noogu muuqan in uu wax badan wadanka u qaban karo ama, waa midda noo muhiimsan badankeene, uu wax badan ka qabsan karayn. Waxaan aaminsanahay si kastoo dhulkii u qasan yahay, in waligeed iyadoo ay sedan iska ahayd horumar ku dhankiisa ka socday. Dadkii waxaad u malaysaa inay sii fahmayaan in nidaamyadoodii la wada badalo kuwo computerized ah ay ku jirto faaiido badan. Xitaa dawladdii aan wali salka yeelan ayaa nidaam computer oo loo isticmaalo passports ka iyo control-kooda ayaa lacag badan looga bixiyay. Ixtimaalaatka iyo fursaduhu ma yara, inkastoo rajo badan wadankii ay ka muuqan.

Si fikrad aan uga qaadanno qofka barta computer science noocyada shaqooyinka u qaban karo, waxay ku wacan tahay inaan marka hore fiirinno laamaha kala duwan ee computer science ku leeyahay, oo kala ah:

  • Xisaabaadka Asaaska u ah computer science ka ama ay ku dhisan tahay iyo theory-ga wax xisaabinta iyo algorithms ka. Qaybtan oo badanaa loo yaqaan Theoretical computer science waxa jira jaamacado bixiya isaga si khaas ah. Qofka bartaa wuxuu noqdaa qof ku shaqeeya abuurista dariiqooyin lagu xaliyo (algorithms) masaa’isha u baahan xal, oo la xiriiri kara cilmi kasta oo maanta jiri kara
  • Programming languages iyo abuuristooda. Qaybtan qofkii barta wuxu noqdaa qof abuura ama alifa barnaamijyada iyagu laftooda wax lagu program gareeyo.
  • Software Engineering oo isagu ah cilmi la xiriira samaynta barnaamijyada waa weyn iyo dariiqooyinka loo abuuro eekala duwan. Qofka bartaa wuxuu abuuraa, ka sokow barnaamijyada iyo nidaamyada computer ka, qaabab loo sameeyo iyo farsamooyin fududeeya isla hawsha barnaamij samaynta. Waxa qaybtan aad loogu khaldaa qofka barta inuu yahay programmer, laakiin xirfadda ama kartida qofku u leeyahay inuu wax barnaamij gareeyo waa mid udub dhexaad u ah qaybaha kala duwan ee computer science ka.
  • Systems Architecture: qaybtan waxay khusaysaa dhisidda computer-da iyo barnaamijyada computer ka laftiisa lagu maamulo ee loo yaqaan Operating Systems ka iyo waliba horumarintooda
  • Communications: qaybtan waxa soo hoos gala networking ka aad ka u magaca dheer ee dadka badanaa ay garanayaan, gudbinta maqalka iyo muuqaalka, iyo kaydinta iyo ilaalinta ammaanka shabakadda, computer-ka, iyo xogta iyo macluumaadka (computer and network security). Qofka qaybtan ku takhasusaana wuxuu awood u yeelanayaa inuu maamulo shabakad xiriirinaysa computers badan inuu maamulo.
  • Databases: qaybtani waxay khusaysaa maamulidda iyo kaydinta xogta ay ku tiirsan yihiin nidaamyada macluumaad ee shirkaddahu badanaa hadda wada isticmaalaan; qof ka bartaana wuxuu noqonayaa Database Administrator/Developer ama designer, oo awood u leh inuu maamulo xogta iyo nidaamkaa kaydinaya, iyo inuu abuuro qaababka xogta loo kaydinayo.
  • Artificial Intelligence: waa qayb qaabilsan matalaadda qaabka maskaxdu u shaqayso si loogu dabaqo nidaamyada computerada. Illaa iyo hadda waxa sheegaa in ujeedadeedii wali ay gaarin ama ay u dhawayn, inkastoo isku dayo badan ay jiraan si loo abuuro qalab computer iskii u fekeraya go’aanadana u gaaraya iyadoo ay dad maamulayn.
  • Computer Graphics and Multimedia: oo qaabilsan habaynta muuqaalada iyo abuuristooda iyadoo la isticmaalayo computer. Waxa loo isticmaalaa si loo analyze gareeyo muuqaalada. Qayb ka mid ahi waxay si aad ah ula shaqaysaa Artificial Intelligence ka si qalabyada computer ka loogu sahlo inay aqoonsadaan muuqaalada kala duwan.

Qaybaha kala duwan ee computer science ku intaa kuma eka oo cilmigu waa ka ballaaran yahay. Qayb iskeed u taaganna ma jirto oo waa isku dhisan yihiin isna soo dhex galaan.

Maxaa looga baahan yahay qofka inuu barto raba cilmigan?

Su’aashan si aan uga jawaabo, aniga barashadaydii aan baranayay inaan ku saleeyo ayay ku quman tahay si sawir fiican aan uga bixiyo. Markaan bilaabayay waxaan wax ku soo bartay nidaam carabi ah, inkastoo English oo ah luqaddii ay duruustu ku baxaysay ay wax fiican iiga bilownaayeen. Luqaddii aan ku roonaa kaalin fiican ayay iiga soo baxday, oo waxaan is waydiiyaa marmar ka qaar haddii English kaygu uu eber ahaan lahaa sidaan uga bixi lahaa. Waxaan ula jeedo maaha in computer science uu English ku shardi u yahay, laakiin references ka iyo buugaagta si aad awood ugu yeelato inaad iskaa u akhrisato, iskaana wax badan wax isku barto, waxaad u baahan tahay mar walba waxaad baranaysaaba waxay noqdaan inaad luqaddii si fiican u hayso.

Waxa aan dhibaato badan kala kulmay dhanka xisaabta oo ah maaddo aad iyo aad uu ugu dhisan yahay computer science ku. Inkastoo aan sidaa ugu sii xumayn, hadana waxaan dareemayay mar walba xisaabtii dugsiga sare ku soo bartay iyo tii si gaar ah luqadda ingiriiska la iigu dhigay ay wali igu filayn. Waxaan kaloo u fiirsaday qofba qofku uga fiican yahay maadada xisaabta inuu maadooyinka science kana uga roonaanayo. Waxa inaan si fiican oo xiise leh inaan u dhameeyo barnaamijkii afarta sanno ahaa ii suuro galiyay, ilaahay mahaddii, laba sanno oo iiga horeeyay jaamacadda oo aan baranayay maadooyin la xiriira computer iyo Information Technology. Caqabadda dhanka xisaabtuna waxay ahayd mid ardayda soomaaliyeed intaan garanayay wada haystay; caqabad aan u aanaynayo manhajka daraasiga ah ee dugsiga sare ee 10 kii sanno ee la soo dhaafay inuu aad ugu liito dhanka maadooyinka science ka iyo xisaabta.

Ugu dambeyn qofka baranaya computer science ka iyo guud ahaan cilmi kasta waxaan kula talin lahaa kuna adkayn lahaa inuu marka hore naftiisa ku abuuro jacayl uu u qabo maadada uu baranayo ama baran doono. Waxay wax badan ka caawinaysaa in intuu wax baranayo – oo caadiyan ah muddo 4 sanno ah haddii uu Bachelors degree ku joojinayo waxbarashadiisa – in waxii uu baranayay uu u arkin culays uu is dhaafinayo balse uu u arko wax barashadooda uu ku raaxaysanayo, taasoo usii sahlaysa inuu noqdo qof hore isku mariya, wax soo saar iyo hal abuurnimana yeesha. Sidoo kale markaad dugsiga sare dhamayso hore jaamacadda ha uga dagdagin haddii ay suurogal kuu tahay, oo sanad ugu yaraan gali wixii aad baran lahayd inaad si fiican iskaga sii dhisto, waxay tahayna aad u ogaato. Waxa dhibaato ah in dad badan ay baxaan iyagoon runtii ogayn ujeedada iyo waxa ay usoo baxeen inay bartaan, kaliya waxa loo soo baxayaa in jaamacad la galo; jaamacaddu waa tee? Maxaad jeceshahay inaad barato? Su’aalaha qofka muhiimka u ah cid is waydiisaa ma jirto; wuxuu qofkii is arkaa sanad iyo laba kadib markuu waxbarashadii wado inay wixii ahayn wax uu rabay inuu barto ama uusan ba niyad u hayn. Waa khasaaro iskeed ah, ka kabsigeeduna u sahlanayn ciddii waqtigeeda ku xisaabtamaysa.

<!–[if !supportFootnotes]–>



<!–[endif]–>

<!–[if !supportFootnotes]–>[1]<!–[endif]–> Faraqa u dhexeeya computer science iyo Information technology waxa lagu sheegaa inuu yahay in IT da – oo hadda badanaa loo yaqaan Information and Communications Technology (ICT) – ay tahay barashada isticmaalka computer-ada si loogu xaliyo hawlaha horyimaadda ganacsiga iyo xogta muhiimka u ah horumarkiisa. Badanaa waxa la isku xiraa dhawr nidaam oo ka kooban qaar shabakadeed ama network iyo nidaamyo macluumaad si shirkadda ama gacansiga isticmaalaya wax soosaarkiisa sare loogu qaado.

This entry was posted on Thursday, July 26th, 2007 at 8:04 pm and is filed under Uncategorized. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 feed. You can leave a response, or trackback from your own site.

3 Responses to “Barashada Computer Science-ka: Maxay kaaga baahan tahay?”

sideen ubarankaraa websiteka haddii aan doono inaan barto fadlan waxaan doonayaa in aad iisheegto sifaahfaahsan aad iigu soo bandhigto waan jeclaan
lahaa in aad sida ugu dhaqsahaa badan ii gu soo war cai so biliis fadlan ii soowargali
waxaa soo qoray nin jecel sida loobarto computerka iyo websiteka

Add a comment April 23, 2009

60 Gobood oo La Sheegay in ay qaadaceen Diiwaan galintii bariga Sanaag ah,iyo 40 Goobood oo Computers- ka Xumaadeen :-

 

 

Goobaha bariga Sanaag ayaa la sheegey inay 60 goobood kamidi qaadaceen diiwaan galintii halka 26 goobood oo ka mida dib loogu celiyey shaqaalihii oo howshii dib uga bilaabeen,  shaqaalaha diiwaan galinta gobolka Sanaag ka bilaabay ayaa u badan dad dhalinyaro ku waas oo isugu jira haween iyo Ragba cabsi weyna laga soo buuxiyey oo dhamaan goobaha ka baqaaya in lagu Rabshadayo.

 

Waxa maalintii la soo dhaafay ee shalay u baxay goobaha bariga Sanaag dhamaan howl wadeenadii loogu talagay, balse lixdan kooxood oo degaamada bariga ku qoraa ayaa dib uga soo noqday goobahodii iyaga oo sheegay in dad u han jabeen, halka goobahaa 26 goobood oo kamida bariga Sanaag ka tirsan diblooga bilaabay howlihii iyadoo ay hogaaminayeen odayaashii iyo wax garad yadii degaamadaa. Degaamadaa oo ah kuwa ku dhow dhow degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag , halka 18 goobood kooxihii siday ay dideed inay u baxaan kuwaas iyagoo ilaa shalay odayaal iyo wax gardkii degaamadaasi ay baryayeen, balse Xildhibaano gobolka u dhashay ayaa sheegay inay koomishan ka Codsanayaa in dadka degaamada Sanaag lagu bedelo dhalinyaradaa diiday goobihii lagu soo qoray.

 

Degaamada diidan diiwaan galinta waxa ka mida degaamada Badhan, Dhahan iyo Laas qoray iyo Tuulooyinka hoos yimaada, balse xukuumada Madaxweyne Riyaale ayaa lagu ee daynayaa inay howlahaa iska indha Saabayso waayo gobolka Sanaag shaqaalaha  dowlada Somaliland uga qoran Bariga sanaag sadexdii meelood labo waa bariga Sanaag, misna waa kuwa diidaaya diiwaan galinta, wax garadka bariga Sanaag iyo xukuumada maanta dalka ka Talisaba waxay guul daraysteen ina dhalinyarada bariga Sanaag ee laba gardaaqa baratay wax ka qabtaan.

 

Diiwaan galinta waxay uga socotaa dhamaan goobihii kale gobolka Sanaag si fiican, iyadoo dadka shaqaalaha ah degaamadaa howlaha ka wadaa ay dad dhalinyaro ubadan oo aad u firfir coon, balse waxa dhibaato ka taagan tahay Computers-kii oo xumaanaya marka iyo qalabkii RESAVE- ahaa oo maalin gobolka laga bid dhacay, balse maanta gobo 40 gaadhaya oo uu qalabkii ka xumaaday ayaa dib looga bilaabay howlihii…

 

Magaalada Ceeigaabo waxa dhibaato ka taagan tahay goobihii diiwaan galinta oo dadkii ku filayn iyo Cidhiidh baaxad weyn dadka haysta balse waxa la filayaa in bari Gobo la kordhiyo oo gudaha Magaalada Ceerigaabo ah,

 

 

by farhan mohamoud hidig

 

Add a comment December 25, 2008

Gar-adag:Go’aamo iyo Baaqyo ka soo baxay Shirweynaha Beelaha H/Jeclo oo soo dhamaaday.

 

 Gar’adag (Gar-adag..16Ogost) – Shirweynaha Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo) uga socdey magaalada Gar’adag ee

Gobolka Sanaag oo maanta soo gebageboobey ayaa soo saaray baaq iyo go’aamo ka soo baxay arrimihii shirku ka hadlay muddadii uu socdey. Waxaana la filayaa in berrito si rasmi ah looga akhriyo baaqyada iyo go’aamada Shirka xaflad ballaadhan oo loo samaynayo xidhitaanka shirka

Gar’adag (Gar-adag..16Ogost) – Shirweynaha Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo) uga socdey magaalada Gar’adag ee

Gobolka Sanaag oo maanta soo gebageboobey ayaa soo saaray baaq iyo go’aamo ka soo baxay arrimihii shirku ka hadlay muddadii uu socdey. Waxaana la filayaa in berrito si rasmi ah looga akhriyo baaqyada iyo go’aamada Shirka xaflad ballaadhan oo loo samaynayo xidhitaanka shirka.

Shirka Beelaha Bariga Burco oo si rasmi ah u furmay 26 July, waxa saaka laga akhriyey go’aamo iyo baaqyo 18 qodob ah, kuwaas oo 10 ka mid ahi ay yihiin kuwo gaar u ah beesha iyo danaheeda, halka 8da  qodob ee kale ay yihiin kuwo caam ah oo loogu talagalay Saxaafadda.

Baaqa iyo Go’aamada Shirka oo uu ku saxeexan yahay  Shir-gudoonka Shirka Iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan C/Laahi Suldaan Cali Muuse ayaa waxa ay u dhignaayeen Sidan:

1. Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aamin sanyahay Ilaalinta Jiritaanka iyo Madax-banaanid Somaliland, waxana uu Beesha Caalamka, Ururada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, ugu Baaqayaa inay qadderiyaan rabitaanka Shacbiga Somaliland oo ah aqoonsiga Madax-banaanid Somaliland,.
2. Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahayna ilaalinta Nabadgelyada Somaliland in ay muhiim tahay.
3. Shirku waxa uu Beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta Nabada Iyo Nabad-ku-wada noolaanshaha iyo sidoo kale deris-wanaag in lagu wada noolaado.

4. Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baaqayaa Nabad-ku-wada noolaanshaha oo uu aaminsan yahay in ay qayb ka tahay deris wanaaga.

5. Shirku waxa uu canbaaraynayaa dhamaanba falalka argagixiso, Afduub, Jidhdil iyo Dhamaanba Xadgudubada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha oo dhan, cid-kasta oo ku kacda.
6. Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhamaanba xadgudubyada lagu hayo Suuqa Xoolaha Somaliland oo Dastuurku ka dhigaayo mid madax-banaan, Sidaas daraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in ay faraha kala baxdo Suuqa Xoolaha, oo laf dhabar u aha hanaanka dhaqan dhaqaale ee dalka.
7. Shirku waxa uu walaacweyn ka qabaa nidaamka Diwaangelinta Doorashooyinka soo socda, gaar ahaan Qodobada odhanaaya “Codbixiyuhu-waxa uu ka codayn karaa oo keli ah goobta uu iska diiwaangeliyey”. Waxana uu ka codsanayaa Golayaasha Sharcidejinta inay wax ka beddelaan qodobadaas, isla markaana xeerarka dalka la waafajiyo hab-dhaqanka iyo duruufaha dadka reer guuraaga ah.

8. Shirku waxa uu Xukuumada ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagta Giinbaarta ah ee laga qaato gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo isugu jira Kuwo been abuur ah iyo lacagtii Somaliya ee gabowday.

by Osman Omar Faarah

Add a comment August 18, 2008

Russia: Will begin pullout from Georgia on Monday (AP)

By Farhan Mohamoud Hidig

 

A convoy of Russian troops makes its way through the mountains in the direction of Tskhinvali near the town of Alagir. The Kremlin has promised to start withdrawing combat troops from Georgia on August 18 as Western pressure mounted on Russia to quit the ex-Soviet republic.(AFP/Natalia Kolesnikova)AP – Russia’s president promised to start withdrawing forces from positions in Georgia on Monday, but suggested they could stay in the breakaway region at the heart of the fighting that has reignited Cold War tensions.

reed more

(more…)

Add a comment August 18, 2008

war gays wacyigaliye ah oo laga bilaabay magaalada ceergaaabo ee gobolka sanaag

Gobolka Sanaag oo ah gobol aad u ballaandhan khayraadkiisana aan lasoo koobi

Karin , gobolkan oo saas taariikhdiisu tahay ayaa dib udhac aad ubalaadhani ka haystaa dhinacyo badan oo Ka mid yihiin warbaahinta , waayo gobolku malaha ilo warbaahineed oo Laga heli karo xogaha gobolka oo tafa tiran.

Bulsha kastaana waxa wax ahaanteedu ku xidhan tahay hadba sida ay u hesho

Xogo ku filan oo ka tur jumaaya doonista iyo diidista bulshada ,

Hadaba meelaha ugu badan ee gobolka sanaag ka socon la, yahay waxa ka mid ah,

Warbaahin la,aan , saas daraadeen ururka dhalinyarada ee SEEYO waxay in badan ku

Tala jireen sidii ay u soo saari lahaa wacyi galiye ka hadla hana bulshada Sanaag,

Waxa ururku u howl galay sidii loo soo saari lahaa wargays kaa wacyigaliyaha,

Haatan waxay ururku guulaysteen inay soo saaraan markii saddexaan iyaga oo

Soo saaray labo jeer oo hore oo tijaabo ah wacyi galiyahan ,

Gobolka oo aan wargaysyo ka soo bixi jirin, kani wuxu noqday kuwa ugu horaya lagu guulaysto

Inay kasoo baxaan gobolka sanaag gaar ahaan xarun magaalada ceergaabo, waxana ururku ku tala jiraa haddii dhaqaale loo helo

Inuu dhigo hal wiigle ama maalinle ba waayo baahida bulshada sanaag u qabto ayaa

Wax walba ka weyn

Cumar siciid nuur

Dhambaalnews.com

Nuur507@hotmail.com

Add a comment August 15, 2008

wiil dhalinyaro ah ayaa xalay fiidkii toogasho lagu dilay degmada Ceerigaabo ee G/sanaag

(samatar) -15/08/08 wiil dhalinyaro ah oo lagu naanayso Maano  ayaa lagu dilay suuqa ceerigaabo nin dhalin yaro ah kaas oo ay toogteen niman hubaysani ninkaas oo dhalin yaro ahaa ayaan loo tuhunsan yahay in loo dilay aano qabiil.
rasaas aad u xoogan oo ku dhacday darteed ayay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan inuu u qud baxay isga oo lagu xereeyey dhisme u dhow meesha lagu toogtey.
gacan kudhiiglihii ayaa fakaday oo xiligoo habeen ah aanay suura gelin jihada uu u cararay in la tilmaamo iyo booliska oo xili danbe soo gaadhey darteed.

wixii faahhin ee dheeraad ah kala soco samatar.
ama cumar Siciid Nuur

nuur507@hotmail.com

Add a comment August 15, 2008

Pages

Categories

Links

Meta

Calendar

September 2014
M T W T F S S
« Sep    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  

Most Recent Posts

 
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.