Madaxweynaha JSL mudane Daahir Riyaale oo maanta magacaabay Gudida Qabanqaabada xuska 18 May

May 5, 2008 samatar

Hargaysa(samatar)Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May,sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafdeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland, oo saxafda loo qaybiyay isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda Qarannews, warasaxaafadeedkaasi oo faafaahsana oo sii sharaxaya gudida loo saaray 18’ka May waxa uu yidhi.
Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha
Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada
Mudane Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta
Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga
Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo Dhaqanka

Mudane Xuseen Maxamed Jiciir, Maayarka Hargeysa
Mudane Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada

Mudane Cali Xasan Maxamuud , Badhasaabka gobolka Maroodi jeex
Mudane Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland
Mudane Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland

Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada Somaliland.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May.

Source qaran

farhan mohamoud hidig

farhan143@hotmail.com

Entry Filed under: Uncategorized

One Comment Add your own

  • 1. Mr WordPress  |  May 5, 2008 at 9:08 am

    Hi, this is a comment.
    To delete a comment, just log in, and view the posts’ comments, there you will have the option to edit or delete them.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

May 2008
M T W T F S S
    Aug »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: