Haya,adda GAA oo Qalab Ciyaareed ku Wareejisay Jaamacadda Burco

May 10, 2008 samatar

Burco (samatar)- Haya,adda German Agro Action (GAA), ayaa qalabka ciyaaraha guddoonsiiyay masuuliyiinta Jaamacadda Burco, kaasoo loogu talagalay inay ka faa,iidaystaan Aradayada wax kabarta Jaamacadda.

Munaasibaddii wareejinta qalabkan ciyaaraha ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyay Mubarak M. Cumar oo ka mida saraakiisha hayâ,adda GAA, waxaanu uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee Hayâ,ada German Agro Action siiso qalab ciyaareed dhallinyarada reer Burco, balse ay dhawr jeer oo hore u qabiyeen dhalinyarada ku nool Burco iyo Oodwayne iminkana ay ku soo biirtay Jamacada Burco oo aanu manta ku wareejinayno qalabkan. Mubarik waxa uu xusay in qalankani uu yahay mid ku kooban wiilasha oo qudha isla markaan ay ku daadaali doonaan hablahana u sameeyaan fursad ay ku heli karaan meel ay ku ciyaraan iyo qalabkii ciyaaraha.

Farxaan Aaden oo ka mid ah madaxda GAA, ayaa isaguna tilmaamay in hayadda GAA diyaar u tahay inay wax la qabato dhammaan dhallinyarada ku nool goobaha ay ka shaqayso waxaanu xusay in ciyaaruhu ay aad muhiim ugu yihiin cafimaadka.

Sidoo kale waxaa iyaduna halkaa ka hadashay Hinda Maxamed Jaamac oo ka mida madaxda Jamacada Burco, waxayna hayâ,adda GAA uga mahadnaqaday sida ay ugu soo jawaabeen codsigii ay u qorteen guddiga ardayda oo in badan isku dayey in ay helaan qalabka ciyaaraha, waxay Hinda Jaamac intaa ku dartay in muddo doora ardaydu raadinaysay qalabkan, hayâ,adaha kala duwana ka codsadeen, balse GAA ka ajiibtay codsigoodii kana heleen qalabkan.

Ugu danbayntii waxa halkaa ka hadlay ka jeediyey Axmed Maxamed Aaden oo ah Guddoomiyaha guddiga ardayda Jamacadda Burco, waxaanu uu mahadnaqay hayâ,adda GAA oo uu ku tilmaamay in ay baahi aad ah u qabeen in ay helaan qalabkan ciyaaraha,, isagoo intaa ku daray in wali ay wax badani ka dhiman yihiin, gaar ahaan dhinaca hablaha oo ay u baahan yihiin  xarun ay ka heli karaan qalabka ciyaaraha fudud.
 
TogdheerNews
Burco.

Entry Filed under: Uncategorized

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

May 2008
M T W T F S S
    Aug »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: