Meydka Labo Qof Oo Rayid Ah Oo Saacado Yaalay isgoyska Korontada Oo Ay Diideen In La Aaso Ciidamada

May 10, 2008 samatar

 Qarax Bam oo Nooca Gacanta laga Tuuro ayaa shalay Maqribnimadii waxaa lagu Weeraray Ciidamada Dowlada KMG ah ee fadhigoodu yahay Isgoyska korontada ee degmada wadajir ee magaalada Muqdisho iyadoo kadibna halkaasi ay isku weydaarsadeen tacshiirad Kooxaha Diidan joogitaanka Ciidamada shisheeye iyo siyaasada dowlada iyo Ciidamadaasi ka tirsanaa kuwa dowlada islamarkaana ay Ku geeriyoodeen labo qof oo la sheegay in ay rayid ahaayeen.

 

Waxaana Weli saaka lagu arkayey Labadii qof ee la sheegay Inay Rayid ahaayeen Oo meydkoodii yaalo wadada Laamiga ah iyadoo ay Diideen in la qaado meydkooda Ciidamada Dowlada KMG ah ee fariisinka ku leh isgoyskaasi iyagoo sarkaal u hadlay Ciidankaasi oo shabakada afnugaal wax ka weydiisay sababta ay Meydka U diideen in la asturo ayaa sheegay inay Yihiin Kuwii Weerarka kusoo qaaday islamrkaana aan la qaadayn waa siduu sheegaye sarkaalkaasi .

Sidoo kale Meydka ayaa Loo diiday In Goobta laga qaado ,Xog waraysi ay shabakada afnugaal la yeelatay dadka goobtasi ku sugnaa aya la sheegay inay labadan nin ahaayeen kuwo La kulmay falka qaraxa islamrakaan ay haleeshay rasaasta ay isa weydaarsanayeen Kooxaha Mucaaridka iyo Ciidamada dowladu oo ay kadibna halkaasi ku geeriyoodeen .

Cabdi Ibraahin oo kamid ah dadka ku dhaqan isgoyska korontada oo shabakada afnugaal u waramayey saaka ayaa xusay in sababta weerarka keentay ay tahay ciidamada dowlada KMG ah ee isgoyska korontada ku sugan ay gaystaan Falal Dhac ah oo ay dadka Rayidka ah ka qaataan telefoonada gacanta islamrkaana ay dadka rayidka ahi aad u dhibsadeen iyagoo habeen Hore ay qaateen ilaa 8-telefoon gacmeed iyagoo ka qaatay dadka xaafada degan waa siduu hadalka u dhigaye taasina ay keenayso nacayb kaga yimaada dhinaca shacbiyada xaafada .

Si kastaba ha ahaatee Meydkan Labada qof ee ay Diideen Ciidamada Dowlada KMG ah in La Qaado ayaa keeni kara hadii Uu dhaafo waqtigiisa caafimaad daro Ku Timaada xaafadasi oo kamid ah xaafadaha aadka u camiran oo ah Kuwa Loo barkacay .

 

 

farhan143@hotmail.com

Entry Filed under: Uncategorized

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

May 2008
M T W T F S S
    Aug »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: