Xaflad ay abaalgud ku gudoonsiiyey urur SCBO Ashkhaas laf dhabarka u ah nabada

May 10, 2008 samatar

Xaflad ay abaalgud ku gudoonsiiyey urur SCBO Ashkhaasta laf dhabarka u ah nabada

Waxa lagu qabtay xarunta Maamulka gobolka sanaag ee magaalada Ceergaabo xaflad lagu maamuusayey nabada iyada oo siminaar loogu xidhay xubno ka mid ah duqayda sama taliska ah ee ku caanbaxday nabada, laguna gudoonsiiyey Shahaadooyin iyo abaal gud kaleba. taas oo gudoonsiiyey Ururka SCBO oo ah urur maxali ah, kana hawl gala gobolka Sanaag, ururka ayaa berhayan siminaaro is dabajoog ah ka wadey gobolka siminaaradaas oo lagu wacyi gelinayo nabada siduu ka waramay hawl wadeenka ururka SCBO Mr Xasan Ibraahin ( xasan bulsho)
Isaga oo sheegay inay sagaal siminaar ka soo qabteen gobolka dood cilmiyeedna ka fureen bulshada dhexdeeda, arintaasina wax badan baraarujisay ayna fahmeen mihiinada nabada.
Waxaa kaloo ka hadlay gudoomiya Ururka SCBO Mr Siciid Maxud Ismaciil isagoo ka hadlay ururkoodu sida uu nabada u dhiiri geliyo .
Isla markaana waxaa goobtaa xaadir ku ahaa odayaasha dhaqanka ee uu siiminaarku u dhamaaday iyo koox kuwa kubada cagta ah oo iyo lix team uu tartan uga socday koob loogu magac daray KOOB NABADA kaas oo ku soo geba geboobey garoonka kubada cagta ee Studio Daalo uuna ku guulaystey koobkii teamka Onkod oo kooxaha heerkka koowaad ka mid ah.
Halkaasna lagu gudoonsiieyey koobkii

Hadba waxaa xusid mudan gobolka sanaag oo ah gobolka laf dhabarta u ah nabada dalka taariikhdana lagu xasuusto markii dalku fawdada ku jiray gobolkii 1993 shirkii ugu horeeyey ee dalka ka dhaca waa kii qabdasay isga oo aanay cidna kaalmay isagu iskii u tashaday nabadii maalintaa la unkayna noqotay tan maanta lagu joogo. Ilaahay idankii. Hadaba waxaa goobtaa soo xaadiray ragii waagaas nabada udubka u taagey colaadana budhigay, aasayna utuntii iyo wixii xiqdi kala teeday bulshada isku isir diin iyo dadba ha.

Waxaa isla goobtaa magaciisa laga magacaabay mid ka mid ah rug cadaagaa nabada ku caan baxay dadkuna markii la magacaabayey aad magaciisa ugu riyaaqeen magaca ciisuna waa Axmed Saalax Xidig oo ah ruug cadaa garyaqaan sama talis ah iyada oo ragii gedihiisa ahaa ee maalintii dhibtu taagnayd darafyada la hayyey ay badankoodii maanta aakhiro u hoydeen
Waa halkuu lahaa abwaankii
*Duqeydii dhamaatayee tolow dirirka yaa eegi
Almadar duug ma reebtee tolow dumarka yaa guursan……
Ugu danbeyntii waa soo gebagebeeyey Gud/kuxigeenka gobolka Mr C/casiis Xasan Siciid iga oo uga mahad ceshey ururka dowrkooda laxaadka leh iyo roolka ay bulshada ka ciyaaraan wuxuu kaloo buuriyey nabda iyo adkaynteeda.

 

 

 

Author: samatar.wordpress.com

farhan mohamoud

farhan143@hotmail.com

Entry Filed under: Uncategorized

Leave a comment

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

May 2008
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts