Xukuumada Maanta Jirta Wakhtigeedii Wuu Dhamaaday Oo Waa In Dib Loo Meheriyaa” Faysal Cali Waraabe.

May 10, 2008 samatar

 
(Faysal Cali Waraabe )
hadhwanaag 2008-05-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha Xisbiga Muraacidka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday inaanay Somaliland waxba ka dhacayn 15 bishan May, oo ah xiliga ah ku eeg tahay Shantii sano ee Madaxwayne Rayaale la doortay sanadkii 2003.Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Md.Faysal Cali Waraabe wax uu sidaasi ka sheegay xaflad shahaaadooyin lagu gudoonsiinayay 23 kalkaaliye caafimaad oo muddo labo sano ah wax ka baranayay dugsiga Culuunta caafimaadka ee Shifo ee magaalada Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe oo marxalada dalku marayo kaga hadlay Xafladaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada tashado sida loo wajahayo marxalada kala guurka ah ee dalku galay.

“15-ka bishan May waxaan umadda u sheegayaa in aanay Somaliland waxba ka dhacayn laakiin ay dhamaatay Muddadii shanta sano ahayd ee Madaxwayne Rayaale la doortay, loona baahan yahay in la xaqiijiyo oo dib loo meheriyo” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.

“Waa in laga wada hadlaa maxaa inoo dan ah? Shantii sano ee xukuumadan la doortayna way dhamaadeen wax muuqdana may qaban” ayuu intaasi raaciyay Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha Ucid muu cadaynin in ay Xisbiyada Mucaaridku ka noqdeen dibad baxyo salmi ah oo ay hore ugu baaqeen in taageerayaashoodu ay iskugu soo baxaan marka la gaadho 15-ka bishan May.

Taageerayaasha Xisbiga Kale ee mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa magaalada Hargeysa Arbacadii todobaadkan banaan bax balaadhan oo ay ku muujinayeen siday ay uga hor jeedaan muddo kordhinta halka sano ah ee Golaha Guurtidu u krodhisay Madaxwayne Rayaale ku qabtay barxada hore ee Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa.

  

 

 

 
 
 
 
Submited By hadhwanaag : 2008-05-09
Back   <!– Puchase –>

Entry Filed under: Uncategorized

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

May 2008
M T W T F S S
    Aug »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: