Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo ugu Baaqay Hoggaamiyayaasha Xisbiyada inay Heshiis Degdeg ah Gaadhaan

May 28, 2008 samatar

Hargeysa (samatar)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil (Kabaweyne), ayaa sheegay in sida qudha ee lagaga baxsan karo

dib-u-dhac kale oo ku yimaad qabashada doorashooyinku ay tahay iyada oo guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran heshiis degdeg ah ka gaadhaan khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex oogan, isla markaana ku waafaqaan guddigooda jadwalka cusub ee ay u qoondeeyeen qabsoomidda doorashooyinka, kaas oo kala ah 15-ka December ee 2008 iyo 15-ka March ee 2009-ka.

Md. Maxamed Ismaaciil oo waraysi kooban Maanta siiyey TV-ga madaxbannaan ee HCTV, waxa uu ugu baaqay inay saddexda xisbi qaran inay si degdeg ah u heshiiyaan, si Komishanka Doorashooyinka u gudo galaan u diyaargarowga farsamo iyo baadigoobka dhaqaalihii ku bixi lahaa diiwaangelinta iyo doorashooyinka, taas oo uu xusay haddii dib-u-dhac kale ku yimaado inay halis ku jiraan inay laalaan hay’addihii hore u hakiyey.

Guddoomiyuhu marka hore isaga oo faahfaahin ka bixinayey sida waqtiga cusub ee ay u qabteen qabsoomidda doorashooyinka u gaadheen iyo kalsoonida ay ka haysteen xisbiyada waxa uu yidhi; “Heshiiskii hore ee la galay waakii socon waayey ee muddo qaatay, isla markaana waa kuwii deeqbixiyayaashii ka cannaaqeen ee ay yidhaahdeen lacagtii baanu joojinay. Ma jiro waxaan laga heshiin Karin, kadibna waxaannu isku xilsaarnay in mar labaad la isu soo noqdo, waxaannu fadhinay ilaa sideed cisho, iyada oo saddexda xisbina ay noo soo direen saddex xubnood oo sita warqad awood siinaysa in wixii ay soo saxeexaan ee lagu wada heshiiyo isla oggolaadaan xisbiyadooda. Markaa qodobaddii aannu ku heshiinay waxaannu u qadinay saddexda xisbi madaxdooda, iyaguna way ka fadhiisteen oo shirkoodii dhawr cisho ayuu iminka socday, waxaanan u malaynayaa inay gebogabo yihiin oo wixii u hadhanna dhammaystiri doonaan. Taasi haddii ay inoo dhammaato rajo weyn oo wanaagsan ayaanu ka qabnaa in deeqbixiyayaashu hakadkii ka saaraan lacagtii oo ay ina siiyaan, diiwaangelinta iyo doorashooyinkuna waqtigaa si wanaagsan oo xor iyo xalaal ah inoogu dhacaan.”

Md.Kabaweyne, waxa uu sheegay in heshiis la’aanta saddexda xisbi ay iyaga caqabad weyn ku tahay socodsiinta hawlahoodii ay u xilsaarnaayeen, sidaa daraadeed waxa uu ugu baaqay hoggaamiyayaasha saddexda xisbi qaran inay heshiis degdeg ah gaadhaan, si aanay u dhicin dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinku, isla markaana Komishan ahaan ka u diyaargaroobaan hawlaha horyaala.

“Haddii maalini naga lunto iyagana way ka lumaysaa. Iminka waqtigii aannu u qabanay doorashooyinka ee kala ahaa 15-ka December iyo 15-ka March waxa uu horyaallaa odayaasha (Guddoomiyayaasha saddexda xisbi), iyaga haddii aannu waqti nagaga lumina, annaga qorshahayaga sidaasu u dhignay, haddiise uu waqti kale naga lumo khasaare iyo dhibaato kale ayuu keenayaa.

Markaa waxaannu ka codsanaynaa in taa nalagu ixtiraamo si aanay maalin walba u dhicin in waqti cusub la sameeyo, isla markaana bulshada dhibaato iyo niyad-jab ugu dhicin, waa in saddexda xisbi ay ka heshiiyaan oo ay go’aan degdeg ah noo soo saaraan, si aannu hawshii kale ee farsamo iyo tii lacageedba u dhammayno. Deeqbixiyayaashuna way aqbalayaan haddii saddexda xisbi iyo Komishanku wax isla soo saaraan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Ismaaciil (Kabaweyne).

farhan143@hotmail.com

Entry Filed under: Uncategorized

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Calendar

May 2008
M T W T F S S
    Aug »
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: