Kulan balaadhan oo loogu diyaargaroobaayo xuska 18’ka May oo Burco ka dhacay

by farhan mohomoud hidig

Burco,(samatar)- Kulan ballaadhan oo loogu diyaargaroobayay xuska malinta 18May ee gooni-isutaagga Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulk Gobolka Togdheer ee Burco.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda  Hay‘adaha dawliga ee gobolka, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin, isagoo sheegay in ujeeddada kulankani yahay mid loogu diyaargaroobayo xuska maalinta 18Mey,sidaas darteed wasaarad kasta looga baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaadato Xuskaas una diyaar garowdo.
Waxa Gudoomiyuhu intaas ku daray in Mgaaalada Burco tahay goobtii lagaga dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland markaas looga baahan yahay in Munaasibad aan hore uga dhicin oo kale lagu qabto,lana sameeyo u diyaar garow aad u weyn “Wasaaradaha ugu wanaagsanaada waxa la siin doonaa Abaalgud iyo Shahaado sharaf,” ayuu yidhi Badasaabku.
Md.Jaamac Cabdillaahi Biin, waxa kaloo xusay in kuwa doonaya inay khalkhal iyo fawdo ka abuuraan gobolka inay ku soo duuleen kuraasidiina, balse masuul kasta looga baahan yahay inuu ilaashado kursigiisa “Anigu waan difaacayaa kursigayga idinkankana sidaas oo kale ayaa laydinka baahan yahay.
Gudoomiyuhu waxa uu ku soo koobay in hadalkiisii in la garto oo la ogaado qiimaha weyn ee ay  leedahay Maalinta 18Mey,sidaas awgeed loo baahan yahay in xuskeedo noqdo mid weyn,wasaraadii  si weyn uga soo qaybgali waynada laga qaadi doono talaabo sharci ah.
Isuduwaha wasaarada Waxbarshada oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada xuska maalinta 18Mey,tahayna mid ku waaajiba muwaadin kasta oo Somaliland ah.waxa uu intaas ku daray in 15Mey aanay ahayn yoomal qiyaamihii,oo aanay waxba dhacayn ‘Cidna ka yeelimayno inay nabada khalkhal galiso.”
Kulankan oo uu gudoominay badhasaabka gobolku,Goob joogna uu ka ahaa Duqa magaalada Burco, ayaa ku dhamaaday si wanaagsan, iyagoo Haydihii dawlada ee kulankaas ka soo qaybgalayna ay balanqaadeen dhammaatood inay kaalin weyn ka qaadan doonan xuska maalinta 18 May.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Links

Meta

Calendar

December 2016
M T W T F S S
« Sep    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: