Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo galabta dalka dib ugu soo noqday oo si diiran hargaysa loogu soo dhoweeyay

Hargeysa (samatar)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin  iyo wefdigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku marayay dalalka Faransiiska , Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay.

Sample Image

Hargeysa (Samatar)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin  iyo wefdigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku marayay dalalka Faransiiska , Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Md Axmed Yuusuf Yaasiin , Xildhibaano , Wasiiro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha caleemo qoyan , iyaga oo dadku tubnaa Madaarka ilaa Madaxtooyada sacab ku soo dhaweeyay.

 

  .Sample Image Sample Image

 

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay Qasriga Madaxtooyada, ayaa ugu horeyn waxa uu ku bilaabay hadalkiisa “Run ahaantii safarkaygii ugu horeeyay waxa aanu ku tagnay dalka Faransiiska , galabtii aanu halkan ka baxnayba Transitt ayaanu ku ahayn Itoobiya saddex saacadood ayaanu joognay , subaxii ayaanu dalka Faransiiska ka degnay , Faransiiska waxa aanu kula kulanay la taliyaha Madaxweynaha Faransiiska ee arrimaha Africa oo muhiim ah oo aanay wadamada kale ee Yurub  aanay lahayn oo   nin awood gaar ah leh kula kulanay Madaxtooyada Faransiiska laftigeeda xafiis uun ka soo hor jeeda ka Madaxweynaha , run ahaantii waxa aanu iska waraysanay xaaladda Mandaqada iyo Faransiisku waxa uu inala qaban karo , runtii waxa aan u arkay kulankayagaasi Runtii Positive ayuu ahaa  in ay wax inala qabtaan”.

Madaxweynuhu isaga oo sii wata hadalkiisa waxa kale oo uu yidhi “waxa kale oo aanu la kulanay ninka u qaabilsan Arrimaha Africa iyo Indian Ocean-ka, xafiis noocaa magaciisu yahay  Wasaarada Khaarajiga ah , Dood dan baa ka wada galnay xaga budhcad badeeda bal Faransiisku muxuu inala qaban karaa , marka aan idiin soo ururiyo su’aalaha idinka ayaa I waydiin doonee , Runtii Faransiisku waxa uu ballan qaaday bal xaga dhaqaalaha horta maadaama uu AU-da Chairman ka yahay in ay gacan ka gaystaan sidii wax la inoo tari lahaa  ee gacan la inooga siin lahaa , weliba waxyaabaha kale ee Faransiiska ku wada hadalnay bal in mushkilada ina haysata waxa weeyaan , had iyo jeer Somalia ayuunbaa la inagu Asoosiyeet gareeyaa oo dambiyada dhaca inagoo wixii aynu lahaynba iyaga la siiyay , dambiyada hadana Somaliya ayuunbaa la inagu wada qoraa, la inama kala saaro markaasi , taasi hoosbaanu kala hadalnay Faransiiska , wuuna ballan qaaday in labadeena gaar u kala qaado”.

Madaxweyne Rayaale isaga oo ka hadlaya safarkiisii uu ku tegay Dalka Jarmalka waxa uu yidhi ” laba maalmood aniga ayaa caafimaad u tegay Jarmalka , ka dibna waan ka gudbay , oo waxa aan tegay Ingiriiska , Ingiriiskana waxa aan u tegay hawl muhiim ah , waatan badii cakiran , ee ay budhcad badeedii ay ku badatay, waxa markaa caalamka dhibaatada ka jirta waxa weeyaan in maraakiibtii la yidhaahdo Soomaaliyaba  lama tegi karo , IOM International Organization waanu la kulanay oo aanu kala hadalnay bal inaga iyo Koonfurta Somalia in laba la inoo kala arko ,  inta badan dadkani waa dad xafiisyo iska fadhiya,  go’aamo UN-ta ka soo baxa ayaad moodaa in ay iska akhristaan , Somalia-na meel ay ku kala taalo inta badan aanay garanayn , tagistaa aanu tagnay waxa ay ahayd taasi , runtii in aynu laba kala nahay way cadaatay , in ay gaar inoola macaamilaana natiijadii way noqotay , dadyow badan oo uu ka mid yahay Wasiirka Khaarajigu Ireland ayuu tegay , dadyow kale oo qaddiyadeena ka hadlaya uu halkaasi kula kulmay way jirtay , Itoobiya shalay subaxii ayaanu soo gaadhnay , xalay ayaanu la kulanay Wasiirul dawlaha Khaarajiga , waayo Prime Minister-kii waxay ku maqnaayeen UN-ta, waxa laga yaabaa in aan mar dambe ku noqdo, iyagana runtii waanu iska waraysanay xaaladda, waxa laga yaabaa in aan anigu safar kale ugu noqdo”.

Intaa ka dib Weriyayaashu waxa ay waydiiyeen su’aalo Madaxweynaha , waana uu ka wada jawaabay dhamaan, su’aalihii goobtaasi lagu waydiiyay, madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu ka soo dhoofin magaalada London waxa uu waraysi dhinacyo badan ah siiyay Talafeeshinka madax banaan ee Raad iyo Idacada BBC, laanteeda afka Somaliga,

 

by Farhan Mohamoud Hidig

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Links

Meta

Calendar

December 2016
M T W T F S S
« Sep    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: