munaasibadii xuska gooni isu taaga qaranimada JSL iyo magaalada ceerigaabo

Ceerigaabo(samatar)Munaasibad si weyn loosoo abaabuley oo la odhan karo waxay ahayd mid dhawr maalmood ooh ore lagusoo hawl-lanaa looguna talogalay xuska 18-ka May ayaa maanta waxa lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo (Noura Garden).

18MayCeeri1
Munaasibaddan oo ay soo abaabuleen maamulka degmada Ceerigaabo ayaa waxa kazoo qayb galay madaxda xukuumadda heer gobol iyo degmoba, shaqaalaha laamaha kala geedisan ee dawladda, ururrada bulshada rayadka ah fannaaniin reer Sanaag oo iyaguna heeso cusub halkaas kusoo bandhigay madax-dhaqameedyo iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo iyaguna isugu jira qaybaha kala geddisan ee dadweynaha waxana cid kastaba gaarkeeda ka muujisay calaamadaha iyo halkudhegyada gaarka u ah iyo weliba farxad iyo rayrayn dheeraad u ah maalintan weyn ee 18-ka May.
18MayCeeri3
Munaasibaddan oo ugu horrayn uu ka hadlay Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur Faarax ayaa isagoo mahad balaadhan u jeediyey

18MayCeeri5

guud ahaan ka soo qaybgalayaasha munaasibaddan gaar ahaanna fannaaniinta reer Sanaag ee heesaha waddaninnimada cusub halkaas kusoo bandhigay

18MayCeeri4

Sidoo kalena inbadan ka hadlay taariikhda xuska iyo sida ay ku timid maalintan 18-ka May ayaa waxa hadalladiisi kamid ahaa “Dhibaatadii ka dhacday dalka kaddib 26-June 1960 qiiradii aynu ku guuldarraysannay oo ahayd 5-tii Soomaaliyeed aynu isla baadi doonnay markii aynu ku waayo aragnay ayaa waxaynu heshiis reer Somaliland u dhan yahay Seylac ilaa Weylo ku gaadhney Burco 18-May 1991-kii halkaas ayaa waxa ka dhalatay 26-kii Juun in ay isu beddeshey 18-ka May oo aynu xorriyaddeenna lasoo noqonnay  had iyo jeerna waxan maqlaa qaar yidhaahdo annagu heshiiskaas kuma jirin taasina waa waxba kama jiraan”. Isagoo ka hadlaya khilaafkii axsaabta ee dhowaan oo dadweynuhu u dhega taageenna Maayorku wuxu yidhi “Khilaafkii dhowaan ee xukuumadda iyo axsaabta waxan mahad ballaadhan ugu jeedinayaa sida ay ka yeeleen axsaabta qaranku waxadna ogtihiin mar kasta oo khilaaf innasoo dhexgalo axsaabta qaranku dadkooda iyo dalkoodaba waa rabaan oo wax kastana sida wanaagsan ayay ka yeelaan waana dhaqankii laynooka bartay haddaynu reer Somaliland nahay”. Ugu danbayn dhinacyada abaarihii dhowaan gobolka soo maray iyo sicir bararka iyo arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta isagoo ka hadlayana wuxu yidhi “Sannadkan abaaro iyo sicir barar adag ayaa innasoo maray waxana hoos u dhacay dhaqaalihii iyo cashuurtii dadweynaha laga rabey weliba waxa jira xanuunnada shubanka oo meeelo gobolkeenna kamid ah (Dhahar) ka jira sidaas darteedna waxan idinkula dardaarmayaa nadaafadda oo aad ilaalisaan si cudurradaas looga hortago iyocashuurta oo aad bixisaan si horumarkeennu usii socdo  weliba haddii aad cashuurta si wanaagsan u bixisaanna waxan idiin allan qaadayaa mashaariic horumarineed oo dhowaan laydiin samayn doono”.
18MayCeeri2
Chief-Caaqil-Axmed Kullikulli oo isaguna madax-dhaqameedyadii fagaarahaas ka hadlay kamid ahaa ayaa waxa hadalladiisii kamid ahaa “Waxan dadweynaha reer Sanaag si gaar ah ugu mahad celinayaa khilaafkii axsaabta iyo xukuumadda ee dhowaan oo aydinnaan ku milmin taasina waa qiimaha aynu ognahay inay innooku fadhido nabadgelyada aan cidina innaka taageerin ee aynu gaarkeenna u heshiinney Somaliland-na ilaahay ayaa ilaashanay dadweynahana waxan kula dardaarmayaa ilaalinta nabadgelyada”

Maaddaama uu yahay Madaxa Hay’adda Bisha-cas ee gobolka Sanaagna isagoo xagga caafimaadka ka hadlaya wuxu yidhi “Dhahar inkastoo hay’ado badani ka hawl galeen haddana waxa shubanka ugu dhintay dhawr iyo toban qof arrintaasina waxay u baahan tahay inaynu ka feejignaanno oo ilaalinno nadaafadda sidoo kalena ciddii lagu arko xanuunkaas waa in si degdeg ah loo soo wargeliyaa xarumaha caafimaad iyo hay’adaha ku shaqada leh sida MCH-yada iyo Cusbitaalladaba”.
18MayCeeri1
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Marka hore dadweynihiinna halkan isugusoo baxay iyo guud ahaanba reer-Sanaag waxan salaam hambalyo oo kusaabsan 18-ka May idiinka sidaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md-Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne kuxigeenka JSL Axmed Yuusuf Yaasiin  waxan kaloo idinku hanbalyaynayaa sida aad isugusoo baxdeen oo usoo bandhigteen una muujiseen dareenka shucuureed ee xuska maalinta 18-ka May ee manta aynu halkan ku xusayno oo ah 17 guuradii goonni idu taagga Somaliland”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Waxan idinku boorrinayaa ilaalinta nabadgelyada iyo isku duubnaanta si aan waxyeello loo gaadhsiin nabadgelyadeenna iyo madaxbannaanideenna  30-sano kaddib aynu la soconno sidii aynu ulasoo noqonnay iyadoo aan cidina innaka maqnayn 18-kii May ee 1991-kii oo ah tan maantana looga dabbaaldegayo dhammaan meel kasta oo dalkeenna Somaliland ah”.

Dhinaca kalena Guddoomiyaha UCID ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo kamid ahaa madaxdii fagaarahaas ka hadashay iyo weliba Isuduwayaasha Waxbarashada Caafimaadka iyo Arrimaha qoyska oo  iyaguna kamid ahaa madaxdii laamaha dawladda ee halkaas ka hadlay ayaa ahaa kuwo dhammaantood muujiyey taageerada iyo taariikhda 18-ka May ee maanta laysugusoo baxay fagaaraha Beerta Xorriyadda Ceerigaabo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Trackback this post  |  Subscribe to comments via RSS Feed

Pages

Categories

Links

Meta

Calendar

December 2016
M T W T F S S
« Sep    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  

Most Recent Posts

 
%d bloggers like this: